Dawadii ugu horeysay ee rasmi ah oo loo helay cudurka COVID-19

Dawo caalamka oo dhan laga heli karo oo qiimaheedu jaban yahay  ayaa la sheegay in loo helay badbaadinta bukaannada sida daran ula xanuunsan cudurka COVID-19.

Sida ay sheegeen khubarada Caafimaadka ee UK, Dawadan oo xaddiga laga qaadanayo uu yar yahay  ayaa lagu magacaabaa Dexamethasone, waxaana loo arkaa inay tahay guul aad u weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro fayraska dilaaga ah.

Waxay dawadan la helay qeyb ka tahay tijaabadii ugu weyneyd ee caalamka looga sameeyay dawooyinka horay u jiray, si loo arko inay wax ka qabanayaan Coronavirus.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegay inay si buuxda u caawin karto afar meelood saddex meel oo ka mid ah bukaannada xaaladahooda laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaano ventilators-ka ee lagu xiro dadka uu naqasku ku dhego.

Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu COVID19 uu gaaray UK ay badbaadin lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday.

Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa’iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama ay tahay dawo aad u qiimo jaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -