Madaxweyne Xassan oo ku wajahan Sacuudiga iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee madaxda oo maalinta Jimcaha ah furmi doona.

Intuu shirku socdo ayaa wasiiradu uga  wada hadli doonaa qadiyadaha taagan ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo kuwa saamaynta ku leh ee dunida ka dhacaya.

“Shirka wasiirrada iyo midka madaxdaba waxaan horgayn doonnaa arrimaha dalkeenna sida goonida ah u khuseeya een taageerada uga baahannahay dalalka Jaamacadda Carabta sida dhamaystirka dayn cafinta, maadaama dalal badan oo carbeed lacago badan nagu leeyihiin, cunaqabataynta hubka oo dalkeena muddo dheer saarnayd iyo tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025-2026 oo doorashadiisu dhacayso sanadka soo socda ee 2024” ayuu yiri wasiir Huruuse.

Shirka 32-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta aya waxaa Somalia uga qeyb galaya Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qatar kuwaasoo beri u ambabxi doona magaalada Jeddah oo shir madaxeedka uu ka furmayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -