Al-Shabaab oo sanad ka dib soo bandhigtay Weerarkii Bariire & gaadiid ay ku qabsatay (Sawirro)

Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah koox warbaahinta u qaabilsan Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay ku soo bandhigeyso weerarkii bishii August ee sanadkii hore ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose kaasoo ay kooxdan cagta ku marisay saldhigii ciidamada dowlada ee halkaas ku yiilay.

Filimkan ayaa lagu soo bandhigay qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida dagaalyahanada Al-Shabaab u qabsadeen saldhigga, una laayeen qaar ka mid ah ciidamadii xoogga dalka ee ku sugnaa.

Muuqaalkan oo la daawan karo in ka badan 30 daqiiqo ah waxaa lagu arkayaa meydadka askar la dilay, burbur xoogan oo soo gaaray xerada, iyo xoogaga Al-Shabaab oo qaadanaya dhamaan gaadiidkii iyo agabkii yaalay xerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -