Maamulka Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray xaruntii Universal TV ee Hargeysa

Booliska Somaliland ayaa maanta albaabada u laabay xarunta uu telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Hargeysa

Agaasimaha Universal ee Hargeysa, Maxamed Caabi Digaale ayaa sheegay in askar boolis ah ay yimaadeen xilli ay ku guda jireen warkii duhurnimo, isla markaana ay shaqaalihii ka saareen xarunta.

“Waxaa na soo diray wasaaradda warfaafinta ee Somaliland ayey yiraahdeen, waxaana naloo sheegay in ruqsadii lagala noqday TV-ga laga billaabo saacadda la bilaabay,” ayuu yiri Caabi.

Agaasimaha ayaa sheegay inaan loo sheegin sababta loo xiray balse uu  tuhunsan yahay in xarunta looga xiray xafladdii 26-ka June oo isku mar tebinayeen munaasabadihii ka socday Hargeysa iyo Muqdisho.

“Labada xafladood ee ka socday Muqdisho iyo Hargeysa isku waqti ayey baxayeen, waxaan toos u baahinay tii ka socotay Muqdisho, maadaama labadaba aysan suuragal aheyn inaan isku mar wada baahino” ayuu yiri agaasimaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore, oo aan wax ka weydiinay sababta loo xiray xarunta telefishinka Universal ee Hargeysa ayaa sheegay in TV-ga uu diiday baahinta khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

“Sanadkii Maalmuhu waa 365 maalmood, haddii intaasoo dhan uu dalka kaga shaqeysanayo oo dhammaan shirkadihii xayeysiiska ka qaadanayo, saddex maalmood oo ah maalmaha qaranka inuu baahiyo hadduu diido, anaguna 362-da maalmood oo kale ayaanu diideynaa,” ayuu yiri Suleymaan Yuusuf Koore.

Maamulka Somaliland ayaa ka mid ah mamaulada Soomaalida ee sida xun ugu caan baxay caburinta warbaahinta iyo xariga suxufiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -