Sidee Taliye Indha-qarshe u wajihi doonaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo shalay xilka la wareegay ayaa ka hadlay qaabka uu u wajahayo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab

Indha-qarshe ayaa sheegay in qorshohoodu yahay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay iska kaashadaan dhisida ciidamo qaran oo hantiya amniga.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay noqon doonaan kuwa yeesha hal talis oo laga maamulo, ayna xoreyn doonaan degaanada ay hadda gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab hadda awoodoodu tahay mid liidata, ayna qorshaha ugu jirto Howlgal lagu soo afjarayo kooxdan si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka ka wadaan.

Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo horey u soo qabtay xilkan ayaan wax badan ka qabanin xaalada amniga dalka, mana cadda waxaa magacaabistiisa ay ku soo kordhin karto ciidanka Xoogga dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -