C/wali Gaas oo Madaxda dowlad goboleedyada iskugu yeeray shir deg deg ah (Akhriso)

Madaxda golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada Somalia ayaa shir ku yeelanaya magaalada Kismaayo, iyadoo uu shirkaasi isugu yeeray guddoomiyaha golahaasi oo ah Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha Puntland oo guddoomiya golahaasi ayaa la isugu yeeray madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada shir ay 3-ka bisha Septembar ka dhici doona magaalada Kismaayo

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed inay ka soo qeyb galaan shirka Kismaayo.

Laguma sheegin qoraalka ajendaha shirka iyo qodonada looga hadli doono balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in shirka looga tashan doonaa danaha dowlad goboleedyada iyo kuwa Qaranka

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili  Maamul goboleedyada qaarkood ay wajahayaan doorashooyin soo fool leh, halka qaar kalena sida Maamulka Jubbaland uu khilaaf kala dhexeeyo dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -