Jidadka Nairobi oo maanta gaadiid la’aan ah iyo sababta ka dambeysa

Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta qorshaynaya inay shaqa joojin ku dhaqaaqaan taasoo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka.

Waaxda keyd haynta ayaa qorshaynaysa in ay dhaqangaliso boqolkiiba 16 ah canshuur dheeraad ah oo la saarayo shidaalka , waxaana arrintani ay taabagal noqonaysaa 1 bisha September ka dib markii horey muddo labo sano ah dib loo dhigay.

Ururka ay ku bahaabeen gaadiidleyda ayaa ku amray darawalada iyo shaqaalaha gawaarida dadwaynaha in ay gawaaridooda ku gooyaan wadooyiinka ayna isaga tagaan si ay cabashadooda u muujiyaan.

Dibed baxa ayaa la filayaa in uu socdo saddex saacadood, laga bilaabo maanta 7:30 aroornimo ilaa 10:30 barqanimo.

Waa xilliyada ugu mashquulka badan waddooyinka Nairobi, waaxana ay saameyn weyn arrintaan ku yeelan doontaa boqolaal qof oo u kala goosha goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda.

In shidaaladka la canshuro boqolkiiba 16 ayaa keentay cadaadis ay hay’adda lacagta aduunka ay ku soo roogtay kenya laba sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -