Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo saakay weerar culus oo aan horey loo arag ku qaaday Israa’iil (Sawirro)

Milatariga Iran, ayaa saakay weerar culus oo u muuqda aargoosi waxa ay ku qaadeen magaalooyin kuyaalla Israa’iil, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Gantaalo kala duwan iyo diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo qaraxyo ku xiran yihiin , ayaa Iran saakay mar qura ku weerartay bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale .

Warbaahinta Israa’iil ,ayaa sheegaysa in weerarkan saakay Iran kusoo qaaday uu ahaa midkii ugu xooganaa ay maalmahan Iran ku qaado magaalooyinka waa weyn,  waxa ayna sheegeen in 400 goobood halmar kaliya Iran gantaalo culus kusoo dhaceen.

Nidaamka difaaca Israa’iil, ayaa ku guul dareestay in ay qabtaan gantaalaha iyo diyaaradaha Iran kusoo weerartay, waxaana weerarka lala beegsaday garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Garolion iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen duqeynta ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, dadka dhaawacyada qaba ayaa la sheegay in qaarkood aad u culus yihiin.

Weerarkan Iran saakay ku qaaday magaalooyin kuyaalla Israa’iil, ayaa kusoo aadaya xilli xalay Mareykanka duqeymo culus ku garaacay saddex kamid ah xarumaha lagu tuhmayo Iran in ay u yaallaan hubka nukliyeerka.


Related posts

Ciidamada dowlada oo howl gal hub lagu soo qabtay ka fuliyay guriga Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Musharaxiin badan oo ku tartamaya Doorashada kursiga HOP106 (Magacyada+Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo Soomaali kale ku dilay Dresden & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---