Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalxiisayaal ku kacay arrin yaab iyo fajac noqotay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Saraakiisha Ciidanka Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in la xirxiray afartan qof oo dalka Urdun u dhashay kaddib markii lagu helay iyagoo dawarsanaya wadooyinka.

Afartanka qof ee la xiray oo isugu jira 19 qof oo waaweyn iyo 21 carruur ah ayaa dalka Kenya ku soo galay fiisaha dalxiiska sida boolisku sheegeen

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dadka la xiray oo magaalada Mombasa u tagay dalxiis ahaan in la arkay iyagoo waddooyinka ka tuugsanaya

“Dadkan waxaan xirnay kaddib markii aan xog ka helnay dadka deegaanka, welina baaritaan ayaa ku socda” ayuu yiri aliyaha booliska degmada Mavita, Maxwell Agoro.

Waxaa uu xusay in baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in 40-ka qof ay ku sii jeedeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayna u dawarsanayeen si ay dhaqaale ugu uruursadaan safarkooda, waana markii ugu horeysay ee Kenya lagu qabto dad viiso dalxiis ku soo galay dalkaas oo dawarsanaya.

Related posts

Wasiir ka tirsanaa Hirshabelle oo xilka laga qaaday & Mas’uul kale oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan uu ku jiro Odawaa oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanadii lagu doortay Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---