Degaano ka tirsan Somalia oo saaka laga tukaday Salaada Ciidul-adxaa

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee hoos taga maamulkii Ahlu suna ee la midoobay Galmudug ayaa saaka maalintii 1-aad laga laga ciiday, lagana tukaday Salaada ciidul adxaa, xili dunida muslimka iyo qeybaha kale ee dalka Somalia ay maalintii labaad ku jiraan dabaal dega munaasabada ciida oo shalay u soo bilaabatay.

Degaanadan ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa shalay laga soomanaa, iyagoo sheegay in bisha carafe ay u aheyd 9, lagamana tukan salaadii ciida ka dib markii maamulha halkaasi ka arimiya ay arintaasi diideen.

Masuuliyiin ka tirsan Ahlu suna ayaa sheegay in shalay aysan aheyn maalin ciid ah, waxayna intaa ku dareen in bisha Dul-xijah ay iyagu u ahayd 9 sidaa awgeedna maanta ay tahay ciid xagooda.

Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo degmooyin kale oo ka tirsan Galgaduud ayaa saaka u dareeray masaajidada si ay u tukadaan salaada Ciidul adxaa uguna dabaal degaan maalinta ciida oo maanta ay kow u tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -