Gudoomiye Madaale oo ka digay in la jebiyo amar dhowaan ka soo baxay Xassan Shiikh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan Caasimadda lagu dhax wadan karin hubka culculus.

Duqa Muqdisho ku baaqay in la dhaqan geliyo amarkaas, wuxuuna intaa ku daray ciddii u hoggaansami weydo in laga qaadayo tallaabbada ku habboon.

“Maalin dhoweyd Madaxweynaha JFS wuxuu ku dhawaaqay inaan lagu dhex wadan karin gaadiidka hubeysan oo ay hubka culus saaran yihiin, sidaas si la mid ahna golaha Wasiirrada ay ku dhowaaqeen bishan lixdeedii, annagoo taasi tixraaceyno waxaan leennahy Gobolka Banaadir laguma dhex wadan karo Baabuurta noocaas ah, Ciidamada amniguna waad aragteen beryahan aad ayay u soo taagan yihiin, waxayna diyaar u yihiin inay qabtaan” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, ku xigeennadooda iyo saraakiisha amnigaba faray inay dhaqan geliyaan amarka dowladda ciddii ka hor timaaddana lala xisaabtami doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -