Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan Booliiska oo loo heesto Musuq maasuq oo Maxkamad la horgeeyay

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hor keeyay sargaal ka tirsan booliiska Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ilaalinta canshuuraha bariga oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Sargaalkan loo gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ahaa taliyaha  ciidanka ilaalada xafiiska canshuuraha bariga ee degmada Warta Nabadda , kaa oo xafiiska xeer ilaalinta aysan shaacin magaciisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday tallaabooyin ay uga hortageyso musuq maasuqa, waxaana hadda xiran saraakiil iyo masuuliyiin loo heesto musuq maasuq, halka qaar kalana waaran soo qabasho ah loo jaray.

Qaar kamid ah masuuliyiinta iyo saraakiisha loo heesto musuq maasuqa loona jaray waaranka soo qabashada ayaa qaarkood dalka isaga baxsadeen, halka qaar kalana magaalada Muqqdisho iyo gobolada qaar ku dhuumaaleesanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi ka shaqeynaya bixitaanka ciidamada AMISOM oo shir ku leh Muqdisho

admin

DEG DEG: Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo amar culus ku soo rogay heyadaha DF

Caydiid Ali

Maareeyihii garoonka Jomo Kenyatta oo Shaqada laga eryay kaddib koronto…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---