Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb iyo xogta ujeedka Safarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Laftagareen waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha  Galmudug madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiirka Difaaca Dalka, wasiirro, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Madaxweyne Laftagareen iyo xubnaha la socday ayaa loo galbiyay madaxtooyada Galmudug, halkaas oo la filayo in kulan arrimo xasaasi ah looga hadlayo kula yeesho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen oo shalay kusoo laabta dalka ayaa si deg deg ah looga yeeray magaalada Dhuusomareeb, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlayo arrimo ku aadan xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed iyo arrimo kale.

Mucaaradka madaxweyne Laftagareen ayaa dhawwaan iyana tagay magaalada Dhuusomareeb , halkaas ay kula kulmeen madaxweyne Xasan , waxa ayna ka cosadeen madaxweynaha fulinta heshiiskii sanand kahor lagu gaaray Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cali Guudlaawe oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub

Caydiid Ali

DFS oo shaacisay in farriimaha ka imaanaya dowladda Itoobiya yihiin riyo maalmeed

Cabdi Cade

Daliban oo gacanta ku dhigtay Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---