Puntland oo soo saartay amaro lagu xoojinayo Amniga xarumaha Ganacsiga Boosaaso

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha ciidanka Boliiska, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka Daraawiishta, Taliyaha nabad sugidda, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Shirka oo looga hadlay qaraxyadii dhowaan lagu weeraray xarun ganacsi oo ku taalla magaalada ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu xoojinayo amaanka xarumaha ganacsiga Boosaaso kuwaasoo u qornaa sidatan:-

  1. Guddiga Amniga marka hore wuxuu ka tacsiyeynayaa, xanuunka la qaybsaneynaa qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee ku shahiiday falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada Boosaso taariikhdu markey ahayd 5th April, 2023, sidoo kale waxaan xanuunka la qaybsaneynaa guud ahaan ganacsatada gaar ahaan maamulka, mulkiilayaasha iyo shaqaalaha Shirkadda ganacsiga Al-macruuf oo argagixisadu ay xoolahoodii gubtay falkaasoo ahaa fal ku cusub deegaanada Puntland laguna banaystay dhiiga iyo maalka Muwaadiniin Soomaaliyeed.
  2. Guddiga Amniga Dawladda Puntland wuxuu dardargalin iyo xoojin amino ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaaso.
  3. Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan.
  4. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalahooda.
  5. Gudsiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.
  6. Guddiga Amnigu wuxuu ogaysiinayaa Shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha danabaysan (Electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay muwaadiniinta u furayaan lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen argagixisada.
  7. Hay’adaha Amniga Puntland waxay diyaar u yihiin iney si dhow u la shaqeeyaan shacabka, kana qaataan wixii xog amni ah ay soo gudbiyaan, shacabka waxaa laga codsanayaa iney kor u qaadaan heerka feejignaanta, xiriirka iyo wadashaqaynta ay la leeyihiin Hay’addaha amniga Puntland.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga Boosaaso ay xiran yihiin maanta ka dib markii ay ku adkaatay bixinta lacago fara badan oo ay ka dalbatay kooxda Daacish ee fariisinkoodu yahay Buuraleyda gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -