Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo arrimo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kala hadlay Tim Trenkle (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u jooga Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Jubaland.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamada Jubaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Farmaajo oo Faa’iido weyn ka helaya kala Jabka Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada!!

Cabdi Cade

Xamse Barre oo arrimo muhiim ah la wadaagay guddiga doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---