Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo dhax maray ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Ciidamo Amxaaro ah

Wararka ka imaanaya magaalada Dabre-birhaan ee dowlad deegaanka Amxaarada  ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamo katirsanaa booliiska gaarka ah ee Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka dhax maray ciidamada federaalka iyo ciidamo katirsan booliiska gaarka ah ee Amxaarada oo gacan ka helayay maleeshiyaadka hubeesan ee lagu magacaabo Fano ee ku sigan dhulka Amxaarada.

Dagaalka magaalada ku dhax maray labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali ka jirta xiisad aaga ay labada ciidan ku dagaalameen.

Maleeshiyaadka ciidamada dowladda Dhaxe la dagaallamay ayaa ka soo horjeeda qorshaha dowladda federaalka ay shaacisay ee lagu kala dirayo booliska gaarka ee dowlad deegaannada iyo maleeshiyaadka Fano uu deegaanka Amxaarada leeyahay.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay deegaannada Amxaarada ka socdeen bannaan baxyo looga soo horjeeday qorshaha dowladda federaalka ku dooneyso in lagu kala diro ciidamada gaarka u ah dowlad deegaannada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Faransiiska (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo la sheegay in Dhaqaale ku bixinayo Banaan baxyo looga soo horjeedo Dowlada

Cabdi Cade

Puntland oo Baaq kasoo saartay Dagaal u dhaxeeya beelo kala dega Puntland iyo Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---