(Sawirro) Weerar Khasaare badan geystay oo ka dhacay Magaalada Oslo ee dalka Norwey

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday afaafka hore ee Baar ku yaalla magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

Dadka la weeraray ayaa Baarka ku dhiganayey xaflad loogu talagalay dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda.

Nin ku hubaysnaa laba qori isla markaana sitay Bam gacmeed ayaa weerar ku qaaday afaafka hore ee Baarka oo dadka isku jinsiga ah ee wax iska dayaa ay xaflad ku lahaayeen.

Waxaa uu bilaabay inuu mid mid u toogto dadkii goobta ku sugnaa. Waxaana mar keliya lagu war helay kala carar iyo rasaas xooggan oo goobta qabsatay

Dad goobta ku sugnaa oo ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in ninkani uu mar keliya la soo baxay hub ka dibna uu si aan loo aabe yeelin uu weeraray Baarka.

Booliska Norway oo daqiiqdo ka dib goobta dhacdada soo gaarey ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii weerarka geystay. Sida ay Laamaha baaristu sheegeen, ninkan ayaa haysta dhalashada Norway, balse wuxuu asal ahaan ka soo jeeda dalka Iiraan.

- Advertisement -