Tirada Muhaajiriinta doonyaha ku galay UK sannadkan oo la shaaciyey xilli uu tarxiil bilowday

Dowladda UK ayaa go’aansatay inay dalkooda ka tarxiilaan dadka magangelyo-doonka ee sida sharci-darrada ku soo galay dalkaasi, taa oo walaac xooggan ku abuuray muhaajiriin badan oo galay dalkaasi.

Maamulayaasha UKĀ  waxay shalay oo Arbaco ahayd ku dhawaaqeen in muhaajiriinta sharciga ku joogin UK loo masaafurin doono dalka Rwanda, muddada 9-ka ilaa 11-ka isbuuc ee soo socda.

Ra’isul Wasaaraha dalka IngiriiskaĀ  Rishi Sunak waxa uu tilmaamay in duullimaadyada ugu horeeya dib-u-celinta muhaajiriinta sharci-darrada la bilaabi doono bisha July ee sannadkan 2024.

Barlamaanka UK waxay bishii hore ansixiyeen sharci ahaanshaha tarxiilka magangelyo-doonayaasha sharci-darrada ku jooga gudaha Britain.

Muuqaalo uu Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK baahiyeen shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxaa laga dheehday ninkii u horreeyey oo muhaajir magangelyo-doon ahaa oo iskiisa u go’aansaday in loo tarxiilo dalka Rwanda.

Ninkaasi oo ay Saraakiisha waaxda socdaalka UK gelbinayeen ayaa labada gacmood ka jeebadaysnaa, waxaana la saaray diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimada dalka Rwanda ee Kigali.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka UK, James Cleverly ayaa tilmaamay in ciiddankooda xoojinta sharciga ay si xawli ah ugu hawlan yihiin sidii loo soo xiri lahaa kuwa aan Xuquuqda u lahayn inay halkan (UK) sii joogaan.

Waxa uu sii raaciyey in kuwaasi la saari doono duullimaadyada diyaaradaha ku wajahan Caasimada dalka Rwanda ee Kigali.

Wejiga Koowaad ee daraasaada ama qiiimeynta tarxiilka magangelyo-doonayaasha sharci-darrada ugu nool dalka UK waxaa lagu qiyaasay celcelis ahaan 6,000 oo qof.

Qorshaha UK ee tarxiilka muhaajiriintaaai ayaa waxa uu la kulmayaa dhaleecayn gudaha iyo caalamka, iyadoo dowladda UK lagula taliyey inay xushmeyso qawaaniinta caalamiga ee dhowrida xuquuqda qaxootiga.

Si kastaba, tiro-koobka rasmiga ee UK ayaa lagu sheegay inay in ka badan 7,500 oo muhaajiriin magangelyo-doonayaal ah ay sannadkan ku soo galeen Britain doonyaha yaryar ee ka yimaada dalka Faransiiska, soona mara The English Channel.

Toddobaadkii hore, 5 qof oo ilmo yar ku jir ayaa ku haftay Dooni ay la socdeen Muhaajiriin ku soo wajahnaa UK oo ku degtay The English Channel.

W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -