Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in qorshe kale daba socdo Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay ku dhibaateynayeen shacabka.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabaab ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Related posts

Dowlada Somalia oo Shirkado reer Galbeed ah la gashay heshiis sahmin Shidaal

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo keenay Qorshe dadka reer Hiiraan uga nabad geli karaan Weerarada Al Shabaab

Cabdi Cade

Nin iska dhigay Gabar si uu imtixaanka ugu galo gabar uu jeclaa oo la qabtay! (Sawirro)

Cabdi Cade