Kenya oo beenisay iney dalkeeda ka soo eriday danjirihii dowladda Somalia

Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inaysan dowladda Kenya dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan) isagoo sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta Kenya u baahisay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Danjire Macharia Kamau oo ahaa mas’uulkii u yeeray Danjire Tarsan ayaa sheegay ineysan eryin Safiirkii Somalia.

“Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan” ayuu yiri Macharia Kamau.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegay inaysan Kenya ku faraxsaneyn sida dowladda Somalia u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, sida uu yiri.

Waxaa muuqata isbedel Kenya ku yimid ku dhowaad 24 saacadood markii uu soo baxay go’aankeedii la yaabka lahaa ee ay dowladda Somalia ugu yeertay iney tahay caddow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -