Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWSSOUTH WEST

Sidee looga ciiday degaanada Al-Shabaab oo ay ku jirto degmada Ceelbuur? (Daawo Sawirro)

Degaanada ay gacanta ku heyso Kooxda Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa maanta si weyn looga dabaaldegayaa munaasabada Maalinta koowaad ee Ciidul adxaa

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgduud waxay ka mid tahay magaaloyinka sida weyn looga dabaaldegay munaasabadda Ciidul adxaa.

Dadweyne fara badan oo ka tirsan kuwa Ceelkbuur ayaa fagaare weyn ku tukaday waxaana waddooyinka magaalada Ceelbuur lagu arkayaa shacab si heer sare ah u damaashaadaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan al-shabaab iyo ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayay fagaarayaasha magaalada iyagoo shacabka kala qeyb qaadanayay farxadda munaasabadda Ciidul Adxaa.

Sidoo kale, Boqollaal ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta salaadda Ciidul-Adxaa ku tukaday fagaare weyn oo ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee ee Shabeellaha hoose oo al-shabaab ay maamusho.

Dadka waxaa ka muuqday farxad ballaaran, waxaana caruurta da’da yar ay wateen qalabyada lagu ciido, waxayna wateen dhar qorxoon oo badankiisa cusub.

SAWIRADA HOOSE: CEELBUUR

SAWIRADA HOOSE: KUUNYO-BAROW

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo dhoor Wasiir ka guddoomay ballanqaadka qorshe Howleedka sannadka cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiyadii Doorashada heer federaal & heer dowlad goboleed oo la kala diray

Caydiid Ali

Itoobiyaan lagu dilay deegaan katirsan Puntland iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---