Kumanaan Soomaali ah oo salaadii ciida ku wada tukaday fagaare ku yaalla London (Daawo Sawirro)

Xaafadda Woolwich ee Magaalada London ayaa maanta si weyn looga dabaaldegay munaasabada maalinta koowaad ee ciidul adxaa.

Barxad ku taalla xaafadaas ayaa waxaa saaka isugu soo baxay kumanaan muslimiin ah oo isugu jira Soomaali iyo dad ka soo jeeda dalal kale, kuwaasoo halkaas ku tukaday salaadii ciidul adxaa.

Dadka isu soo baxay oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad badan ayaa isku marxabeynayey ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan, ciid mubaarak iyo kuwo kale.

Hoos ka daawo sida maanta looga ciiday Xaafadda Woolwich ee Magaalada London

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -