Magaalooyinka Garowe & Qardho ee Maamulka Puntland oo si weyn looga Ciiday (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subaxnimadii la tukaday salaadii ciidul adxaa shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay, Gudomiyaha Baarlamaanka Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahano, Culumo iyo shacabkaba.

Cabdi-wali Gaas oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo u diray shacabka reer Puntland meel kastoo ay joogaan munaasabada ciidul-fidriga darteed isagoo dhinaca kale ka waramay xaalada degaanada Puntland.

Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacabka reer Puntland inay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

Dhinaca kale, Boqor Burhaan Boqor Muuse, Maamulka Gobolka Karkaar kan degmada Qardho iyo madax kale ayaa kala qayb galay shacabka magaalada Qardho tukashada salaada ciidul adxaa.

Masuuliyiintan oo Salaada ciida ka dib la hadlay shacabka ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay khayrka maalmahan barakaysan, sidoo kalena waxay bulshada kula dardaarmeen ka shaqaynta amniga iyo wadajirka.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar iyo duqa degmada Qardho waxay dhankooda bulshada Qardho uga mahad-celiyeen sida ay ula shaqeeyaan maamulka, sidoo kale waxay bulshada kula dardaarmeen in lagala shaqeeyo amniga iyo horumarinta degaanka.

Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uu shacabka Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada Ciida, sidoo kale waxaa uu rabi uga baryay inuu ku amaansado meel kasta oo ay ka joogaan dunida.

Sawirada hoose waa magaalada Qardho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -