Xamse Barre oo dhoor Wasiir ka guddoomay ballanqaadka qorshe Howleedka sannadka cusub (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Jaamac Taqal Cabbaas iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedka muddeysan ee sanadka cusub 2023 iyo qaababka kala duwan ee loo fulinayo, kuwaasi oo su’aalo muhiim ah ay ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe in laga mira dhaliyo ballanqaadka waxqabad iyo qorshooyinka ay soo bandhigeen maanta, isaga oo dhinaca kale ku boorriyay in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda #DanQaran.

- Advertisement -