Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiyaan lagu dilay deegaan katirsan Puntland iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay labo nin oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya, halka kuwa kalana lagu dhaawacay.

Sida aan wararka ku helnay dilka ragan kasoo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya ayaa ka dhashay muran dhax maray Itoobiyaanka iyo rag kale oo Soomaali ah oo kasoo jeeda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag.

Labada ruux ee ku dhaawacantay gacan ka hadalka dhax maray ragga Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ayaa mid kamid ah kasoo jeedaa Oromada, halka midka kalana uu uu yahay Soomaali deegaanka kasoo jeeda.

Faah faahin badan lagama bixin sababta keentay isku dhacan sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca, mana jiro wax war ah oo maamulka deegaanka iyo kan Puntland kasoo saaray falkan maanta dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waan-waantii laga dhex waday Madaxda DF iyo Musharaxiinta oo horumar laga gaaray

Caydiid Ali

Mareykanka & xulafadiisa oo isku khilaafay hub halis ah oo la siiyey Ukraine

Caydiid Ali

Xassan Xaaji Aadan Yabarow Wiish oo sheegay inuu dacwad ku soo oogayo FIFA

Caydiid Ali
Taboola Ads ---