Guddiyadii Doorashada heer federaal & heer dowlad goboleed oo la kala diray

Xukuumada Somalia ayaa kala dirtay gudiyadii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer federaal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa kulan afur ah la yeeshay Madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Guddiyada doorashada heer Qaran iyo heer dowlad gobaleed ayaa ka kala socday dowladda dhexe iyo maamulada kala ah, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Mahdi Guuleed ayaa uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.

Guddiyadan ayaa noqday khilaafkii ugu horreeyey ee caqabadda ku noqday doorashada, kadib markii ay dowladda ku soo dartay xubno ay mucaaradka iyo Maamul goboleedyada qaar sheegeen inay yihiin Saraakiil ka tirsan NISA iyo taageeraayaasha xafiiska Madaxweynaha.

Golaha shacabka Somalia ee waqtigiisu dhamaaday ayaa dhowaan muddo kordhin labo sano ah u sameeyey heyadaha dastuuriga ah ee DF, iyadoo dib loo howlgeliyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Xaliimo Yarey ay hogaamiso, taasoo ka dhigan in shaqada guddiyada aan loo baahneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -