Taliye Sulub Axmed Firin oo u Mahadceliyay Saraakiil ka socotay Turkiga (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay dowlada Turkiga, waxa uuna kala hadlay arrimo muhiim ah..

Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday dowladda Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeenta ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah loo tababaro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dowladooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -