Fanaan & Muusikiiste caan ka ahaa gudaha Soomaaliya oo geeriyooday

Waxaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya fanaankii weynaa Daa’uud Cali Masxaf.

Geerida fanaanka ayaa waxaa xaqiijiyey wiilkiisa Maxamed Daauud Cali Masxaf oo sheegay in xanuuno mudooyinkanba la soo dersay ay sababeen geeridiisa.

Daa’uud Cali Masxaf ayaa ka mid ahaa fanaaniintii hore ee hobolada Qaranka Waaberi isagoo dhinaca kalena laxamiiste weyn oo sameeyey heeso iyo suugaan kala duwan oo illaa hadda Soomaalida ay xiiseyso.

Geerida fanaanka ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bahda fanka oo tebi doona khibradiisa faneed ee mudada dheer soo jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -