Dil argagax leh oo ka dhacay degmada Dayniile iyo faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa galabta ka dhacay degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho dil naxdin leh ka dib markii nin ka tirsan dadka degaanka uu dilay wiil uu adeer u ahaa.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 5 sano jir ayaa dhintay markii uu si arxan daro ah oo xadka ka baxsan u garaacay ninkan adeerkiis ah oo la sheegay inuu qabay hooyadiis.

Dadka degaanka ayaa sheegay in wiilka jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo iyo jirdil xoogan oo ka soo gaaray garaacista nafta looga qaaday.

Ciidamada Booliska saldhiga degmada Dayniile ayay wararku sheegayaan iney gaareen guriga uu dilku ka dhacay, iyagoo xabsiga dhigay ninka gacantiisu sababsatay wiilka 5 jirka ah.

Dilkan argagaxa leh ayaa galabta illaa caawa si weyn looga hadal hayaa degmada dayniile, waxaana si weyn uga xumaaday dadka degaanka oo ka naxay sida arxan darada ah ee noloshiisa loo soo gebagebeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -