Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xuseen Sheekh Qaasim oo kahor yimid Xil ka qaadis dhawaan lagu sameeyay

Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan xilka ka qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo kuxigeenadooda, waxaana xilalkaasi loo magacaabay masuuliyiin cusub.

Xuseen Sheekh Qaasim oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in wado sharci daro ah loo soo maray xil ka qaadista isaga iyo xubnaha kale lagu sameeyay.

Waxa uu sheegay Xuseen Qaasim in aan lagu soo war galin in xilka laga qaaday balse ay ku arkeen baraha bulshada, waxa uuna xusay in aysan qaadan wax mushaar ah howlaha maamulkana ay ku wadeyn deymo ay qaateen sida uu xusay.

“In xilka nala qaaday waxaan ku maqalnay Facebook oo kaliya, si sharci ah maloo soo marin, midda kale annaga deyn badan baa nalagu leeyahay oo howlaha maamulka ku wadnay, markii Facebook laga arkay in xilalka nalaga qaaday magaaladii oo dhan baa lacagteeda rabta” ayuu yiri Xuseen.

Maamulka Hirshabelle ayaa marar badan isbadalo waxa uu ku sameeyay maamulada Degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana dhawaan maamulka uu xilka ka qaaday Gudoomiyaal Degmo uu ku jiro Gudoomiyihii Degmada Jalalaqsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadaha Korontada oo Midoobay iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo marqaati ka noqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo saaray Qabsashada Galcad iyo Deegaanno kale

Cabdi Cade

Diyaarada Qatar Airways oo hawada ku ruxantay iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---