Shirkada Somtel oo Muqdisho ku Daah furtay Adeega cusub ee Muraad (Daawo Sawirada)

Shirkada Somtel oo kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka jira ayaa macaamiisheeda usoo kordhisay adeeg cusub oo loogu magac daray Muraad, Adeegaan ayaana ah mid faa’iido badan ugu jirto bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa shirkada Somtel kusoo bandhigay Adeeg cusub ee Muraad iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideesan karaan, adeegaan ayaana isugu jira ku hadalka iyo sidoo kale Internetka.

Maamulka Shirkada Somtel ayaa sheegay in Adeega Muraad ay ugu tala galeen  in  bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideeyeen, waxa ayna sheegeen maamulka in sidoo kale soo wadaan adeegyo kale oo bulshada Muhiim u ah.

Munaasanada lagu soo bandhigayay adeegan cusub ee soo kordhisay Shirkada Somtel waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ,kuwaa oo Shirkada uga mahad celiyay adeegan cusub ay sheegeen in uu yahay mid baahi u qabeen bulshada.

Adeego Muraad ayaa qiimo dhimis xoogan oo lagu sameeyay Ku hadalka Simcardka Shirkada Somtel iyo sidoo kale adeegsiga Internetka ay bixiso Shirkada Isgaarsiinta ee Somtel.

Halkan ka Akhriso Adeega Muraad iyo qaabka uu u shaqaynayo

Ku hadalka

1-Ku shubo $3 oo Ku hadal 1,000 Daqiiqo Koonfurta iyo Baratamaha Somalia 30 maalmood gudohood

2-Ku shubo $5 oo Ku hadal 2,000 Daqiiqo Koonfurta iyo Baratamaha Somalia 30 maalmood gudohood

3-Ku shubo $5 oo Ku hadal 500 Daqiiqo Somaliland iyo Puntland

Internetka

  1. ku shubo $5 oo hel 6GB
  2. Ku shubo $10 oo hel 13 GB
  3. ku shubo $20 oo hel 28 GB
  4. ku shubo $30 oo hel 40 GB

FG : si aad uga faa idaysto adeega Muraad waa inaad kaga shubata eDahab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -