Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo saaray Qabsashada Galcad iyo Deegaanno kale

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa war saxaafadeed uu goordhaw soo saaray kaga hadlay qabsashada degmada Galcad iyo deegaanno kale oo katirsan gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa bogaadiyay howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula wareegeen saakay degmada Galcad oo muddo 10-sanno ka badan Al Shabaab gacanta ku hayeen.

War saxaafadeed uu goordhaw soo saaray Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u qornaa sida tan:

Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo Degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud, ayadoo sidoo kale horey loo xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masaggawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -