Xiliga rasmiga ah uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku jira fasax, waxaana dhawaan la filayaa in Xildhibaanada kasoo laabtaan fasaxa ayna guda galaan shaqooyin badan oo horyaala kalfadgiga 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha soo socota ee September .

Waxa uu ugu baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaanada dalka ka maqan iyo kuwa jira gobolada dalka in ugu dambeyn magaalada Muqdisho ku yimaadaan 5-ta bisha soo socota si ay ugu diyaar garoobaan kalfadhiga 4-aad.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee  Golaha shacabka,” Ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray Xafiiska Mursal.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mudooyinkii dambe ku maqnaa fasax dheer, waxaa Xildhibaanadan la sheegay in aysan yeelan kulamo badan iyagoona inta badan ku maqnaa fasax iyo sidoo kale khilaaf Baarlamaanka ka dhax jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -