RW Khayre oo la xisaabtamay qeyb kale oo ka mid ah golihiisa Wasiirada (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalint 2-aad wada la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada, kala ah:  Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiirka Howlaha guud   Guriyeynta, Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalahaha iyo Wasiirka Cadaaladda, waxaana Wasiir waliba oo ka mid ah la soo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay inuu fuliyo, iyadoo wasiirrada ku cusub xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Ra’isul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxaana isla-xisaabtankani uu qayb ka tahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -