Xilliga la bilaabayo howlgalka Turkiga ee qodista shidaalka dalkeenna oo la shaaciyay

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Türkiye, Alparslan Bayraktar oo Jimcihii shalay wareysi khaas ah siiyey Warbaahinta Turkish-ka ee NTV waxa uu Rajo ka muujiyey Taaba-gelinta Heshiiskii bishii hore ay wada gaareen DFS iyo Turkiga ee Iskaashiga baarista iyo Soo-saarka Shidaalka Somalia.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Turkiga waxa uu xusay in Hawlka qodista Shidaalka ee Xeebaha Somalia si Rasmi ahaan loo bilaabi doono sanadka soo socda ee 2025-ka.

“Waxa jira goob ka tirsan dacasha Badda Somalia oo aynu rumeysanahay in laga yaabo inuu dhex ceegaago Kaydad badan oo Shidaal ah” ayuu yiri Wasiir Alparslan Bayraktar.

Waxa uu intaasi raaciyey inay doonayaan Sahminta qodista Shidaalka ee Badda Somalia, lana bilaabi doono Hawlahaasi sanadka soo socda ee 2025-ka.

Wasiirka waxa kale oo uu Wareysigiisa ku shaaciyey inay Markab nooca Sahminta Kheyraadka Dabiiciga u soo diri doonaan Xeebaha Somalia, si loo guda-galo Hawlgallada Sahminta Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dhex ceegaaga Badda Somalia.

Dowladaha Türkiye iyo Somalia waxay bilowga bishii la soo dhaafay ee March kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Xeebaha Somalia, si loo xoojiyo Iskaashiga labada dal, kadib, Heshiiskii Difaaca ee ay kala saxiixdeen sanadkan 2024-ka.

Dhanka kale, Qoraal uu Bartiisa X soo dhigay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiye, Alparslan Bayraktar waxa uu tilmaamay in iyadoo laga ambaqaadayo Heshiiskaasi inay si wadajir ah u bilaabi doonaan Dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo sidii Kheyraadka Somalia loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed.

Heshiiska DFS iyo Turkiga waxa kale oo uu dhigayaa Sifeynta, Qeybinta, Iibinta iyo Adeega Hawlgallada Shidaalka iyo wax-soo-saarka kale ee Mashaariicdaasi.

Bishii February ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladaha Somalia iyo Türkiye kala saxiixdeen Heshiis Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha iyo inuu Taageero dhanka Ammaanka Badda siinayo DFS si loo Difaaca Xuduud-Baddeedka Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Dowladda Türkiye oo Isbahaysi dhow la leh DFS waxay Taageero ka geystaan Arrimaha Tacliinta, Caafimaadka, Kaabayaasha Asaasiga iyo Gargaarka Aadminimada ee Somalia.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye waxa uu Heerka Isdhaafsiga Ganacsiga ee labada dal gaaray 187.3 milyan oo Dollar sanadkii 2018-kii, halka uu Heerka Ganacsiga labada dal gaaray 250,85 milyan oo Dollar sanadkii 2019-kii.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

- Advertisement -