Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Abuu-dhabi (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaarhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaad uu ka helay madaxda wadankaas.

Waxaa markii ugu horeysay madaxweynaha Somaliland oo dhigay Roog cas, iyadoo maamuus sare lagu soo dhoweeyay isla amrkaana calanka Somaliland iyo kan Imaaraadka goobta lagu xardhay, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada hab maamuuska oo la safay hareeraha rooga cas.

Waxaa madaxweynaha si heer sare leh ugu soo dhoweeyey garoonka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al-Badi Al Dhaheri iyo Masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Muuse Biixi iyo wefdigiisu waxay maalmaha soo socda kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlaya arrimo khuseeya xoojinta xiriirka labada dhinac iyo taageerada imaaraadku siiyo maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -