Sagaal ka mid ah xubnaha garsoorka gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyey

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal garsoore oo gaaraya 9 xubnood kuwaasoo ka hawlgala Maxkamadaha degmooyinka caasimada, tan Gobolka iyo mida Racfaanka.

Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in shaqo joojintan ay timid ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ay ka soo gudbiyeen dadweynaha adeega cadaaladeed u doonta oo loogu shaqeyn waayey sida sharcigu qabo.

“Guddoomiyaha Maxkamadsa sare ee dalka  ayaa talaabadan qaaday  isagoo ka jawaabaya Balan-qaadkiisii ahaa inuu dib u habayn dhamaystiran ku samayn doono Garsoorka iyo ka jawaabista balan-qaadkii Madaxwaynaha JFS Mudane Max’ed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ahaa inuu soo dhisayo Garsoor hufan” ayaa lagu yiri wareegtada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu sameynaayo kaaliyeyaasha shaqada laga joojiyay cidii lagu helo debmina sharciga la soo taagayo.

Dowlada Somalia ayaa wada olole balaaran oo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa ka dhex jira heyadaheeda, waxaana arintaas loo xiray masuuliyiin badan, qaar kalena shaqada ayaa laga joojiyey iyadoo uu ku socdo baaritaano.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -