Allbanaadir.com
NEWS

Maan-dooriye tiro badan oo lagu qabtay Muqdisho oo lasoo bandhigay lana gubay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa deegaanka Gubadleey kusoo bandhigay daraasiin Jawaano maan-dooriye ah.

Howlgalkaan lagu qabtay Maan-dooriyaha ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Gubadleey, iyadoona gacanta lagu dhigay 31 Jawaan Maandooriyaha nuuca loo yaqaan Xashiishka iyo gaarigii uu ku rarnaa.

Goob barxad ah oo kutaalla deegaanka Gubadley ayaa lagu gubay maan-dooriyaha ay qabteen ciidamada ammaanka, waxaana dadkii lala qabtay maan-dooriyaha loo gudbiyay xabsiga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalamayaan maan-dooriyaha uu sheegay in qeyb ka yahay falalka ammaan daro ee ka dhaca Muqdisho, waxa uuna digniin u diray dadka ka ganacsadaha maan-dooriyaha.

Related posts

Haweeney Sunta Libaaxa ku dishay seygeedii hore (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Guud ahaan deegaanada Galmudug !!

admin

Deni iyo Diyaano oo loogu baaqay in si deg deg ah dagaalka Boosaaso u joojiyaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---