Xildhibaan Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Guud ahaan deegaanada Galmudug !!

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa ku baaqay in gargaar beni’aadanimo lala gaaro dadka iyo duunyada ay saameysay abaarta daran ee ka jirta gobollada dalka.

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle ayaa u sheegay Saxaafadda u shjeegay inay tageen dhowr degaan oo ka tirsan gobollada Galmudug islamarkaana ku soo arkeen xaalado aan fiicneyn.

Wuxuu sheegay in abaartu ay si weyn u halakeysay dadka iyo duunyada islamarkaana meelaha qaar dadka iyo duunyada ay harraad iyo gaajo u dhimanayaan.

“Annagoo xildhibaanno ah ayaa socdaal ku soo marnay dhowr degaan oo ay ka jirto abaarta, dhimasho ayaa meelaha qaar jirta xaalad aad u xun, meel qaarna dadku ma heli karaan caafimaad oo biyo wasaqeysan oo ay cabeen ayay ka qaadeen cudurro” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa beesha caalamka iyo dowladda federaalka ugu baaqay inay gargaar beni’aadanimo la gaaraan dadka ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Dowladda federaalka iyo beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay kaalmo beni’aadanimo la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan gobolladani Galmudug oo abaaraha ay saameeyeen” ayuu yiri Xildhibaan Habbad Ali Abdulle

Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa qeyb kamid ah gobollada dalka oo ay ka jiraan abaaraha daran ee saameynta adag ku yeeshay nolosha kumanaan qoys iyo xoolihii ay dhaqanayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -