Allbanaadir.com
NEWS

Deni iyo Diyaano oo loogu baaqay in si deg deg ah dagaalka Boosaaso u joojiyaan

Magaalada Boosaaso maalintii labaad waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan maamulka Puntland gaar ahaan kuwa taabacsan Madaxweyne Deni iyo kuwa ka amar qaata Maxamuud Diyaano taliyihii hore ee PST-ta .

Isimida Puntland iyo difaacayaasha xaquuqda aadanaha Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Diyaano in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka ka socda magaalada Boosaaso.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dagaalka ka qarxay Boosaaso oo sababay dhimashada dad shacab ah, waxa ayna ku baaqeen in dagaalka la joojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Ciidanka cusub ee Gor-gor Maxay ka qaban doonaan Amniga Muqdisho !!

admin

Garsoore kubada cagta ah oo geeriyooday xili uu ciyaar dhax dhaxaadinayay

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---