Maamul cusub oo loo dhaariyey Kastamka Canshuuraha dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maamule KMG ah u magacaabay Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho.

Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maamulaha cusub ee Ku meel gaarka ah, isagoo isla maanta loo dhaariyay inuu shaqada si hufan u sii wado.

Dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoo maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay xabsiga la dhigay lix xubnood oo ay ku jiraan Maamulihii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow iyo ku-xigeenadiisa kuwaasoo lagu eedeeyey wax isdaba marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -