Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu taliye Xijaar ku soo arkay Saldhigyada & baraha Kontrol ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koontaroolada Booliisku ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareeb.

Taliye Xijaar ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Hareeraheeda.

Shalay ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareeb wuxuuna kulammo la qaatay saraakiisha Milarariga, ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kulan Arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo helay Meydadka 3 ka mid ah dadkii lagu heystay Gaza

Caydiid Ali

Itoobiya oo War kasoo saartay afgambiga ka dhacay dalka Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---