Soomaali dil & dhaawac u geystay dhaqaatiir Jarmal ah oo xabsiga la dhigay (Daawo Sawirro)

Wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Jarmalka ayaa toorey ku dilay nin Dhaqtar ahaa kadib markii uu ku weeraray goobtiisa caafimaad oo ku taalla degaanka Offenberg oo ku yaalla dhinaca koonfur bari ee dalkaas.

Soomaaliga falkan naxdinta leh geystay oo aan magaciisa iyo sawirkiisaba la shaacinin ayaa sidoo kale la sheegay in Gabar uu dhalay Dhaqtarka oo ah 10 sano jir uu ku qasbay inay daawato qaabka uu Aabeheed tooreyda ugu dilayo.

Wiilka Somaliga ah ee dilka geystay ayaa da’diisa lagu sheegay 26 sano jir waxaana la tilmaamay in Dhaqtarka uu ku beegsaday qolka qalliinka isagoo aanan la laheyn wax ballan ah.

Dhaqtarka tooreyda lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Joachim T waxana uu u geeriyooday dhaawacyadii tooreyda wax yar ka dib.

ninkan Soomaaliga ah ayaa sidoo kale la sheegay inuu weerar ku dhaawacay qof caawiye ka ahaa xarun caafimaad oo lagu magacaabo Elke D isagoona goobta ka baxsaday.

Booliiska oo wax yar kadib gaaray goobta uu ka dhacay fal dambiyeedka ayaa ka helay tooreydii uu ninka Soomaaliga ah u adeegsaday dilka Dhaqtar-ka iyo dhaawaca qofka kale.

Dabagal ay booliiska sameeyeen oo ay ka qeyb qaateen gaadiidka Booliiska, diyaarad Helicopter ah iyo Eeyo tababaran ayaa lagu soo qabtay dambiilaha kaasoo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Booliiska ayaa sheegay in dambiilaha uu yahay magangalyo doon dalka Jarmalka soo galay sanadkii 2015-kii isla markaana la siiyay warqad deganaasho oo uu ugu noolaan karo deegaanka Offenberg.

Lama oga illaa hadda sababta ninkan Soomaaliga ah ku qasabtay inuu dilo dhaqtarkan, iyadoo boolisku ay wadaan baaritaan arrintan la xiriira oo ilaa hadda aan wax war ah laga soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -