Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne in muddo ah la hadal hayey inuu dhintay oo fagaare ka soo muuqday

Madaxwaynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhamedov ayaa maanta ka so hormuuqday shacabka ka dib markii ay horey u soo baxeen warar la isla dhex marayay oo sheegayay inuu dhintay.

Maanta ayuu Mr Berdymukhamedov waxa uu furay shir ay ka qeybgalayaan hogaamiyayasha gobolka waxa uuna shirkan ka dhacayaa magaala xeebeedka Caspian ee dalkaasi.

Waa marki ugu horreeysay oo uu meel fagaaro ah ka soo muuqdo tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegayay geeridiisa.

Warbaahinta wax ku qora luuqada Ruushka ayaa inta badan baahinayay dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay warkan iyaga oo sheegay in madaxwaynaha ay kiliyaha istaageen.

Warbaahinta dalka Turkmenistan ayaa isku dayday inay beeniyaan wararkaasi ku saabsanaa geerida madaxwaynaha iyaga oo daabacay sawirka madaxwaynaha oo dalxiis ku jira, Hasa yeeshee ma jirin cid madaxbanaan oo xaqiijin kartay in sawirka dhawaan la qaaday iyo in kale, Balse Isniinta maanta ahayd ayay beenowday wararkaasi la isla dhexmarayay isaga oo shir goboleedkaasi furay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Abwaan caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Shirka banbaxa Golaha Wasiirada Somalia oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Iskuulada kuyaala Muqdisho oo lagu amray Dhigista Maadooyin cusub (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---