Ma dhab baa in Abaanduulihii xilka laga qaaday Jen. Caanood uu ciidan la goostay?

Abaanduulihii xilka laga qaaday ee ciidanka milateriga ee Soomaaliya Jen. Cabdulaahi Cali Caanood ayaa beeniyey inuu ciidan dowlada ka tirsan la goostay oo uu doonayo inuu ka soo horjeesto xukuumada Somalia.

Jen. Cabdulaahi Cali Caanood sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray ayaga iyo Al Shabaab magaalada Marka, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen.

Wuxuu ku tilmaamay dagaalku inuu ahaa mid sii qorshaysnaa ka hor inta aan la magacaabin abaanduulaha cusub isagoo intaa ku daray inuu xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro.

Mar ay laga weydiiyay inuu ka carooday magacaabista abaanduulaha cusub oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo ayuu yiri arintaas si kulul u beeniyey.

“Warkaas waxba kama jiraan weeye, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”, ayuu yiri Caanood oo la hadlayey idaacada BBC-da.

Wuxuu kaloo jeneraalku waxba kama jiraan ka soo qaaday inuu Balli doogle kula kulmay saraakiil Maraykan ah.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Jeneraal Caanood iyo gaadiid dagaal oo ilaa afartameeyo gaaraya waxay ku sugnaayeen deegaanno kala duwan oo gobolka Shabeellaha hoose ku yaalla, waxaana soo baxayey warar sheegaya inay kala boodsan yihiin isaga iyo dawladda uuna ka carooday xil ka qaadista lagu sameeyey inkastoo uu arintaas beeniyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -