(Sawirro) Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Hussein ayaa maanta furay Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ka soo qeybgalay Xubno Golaha Wasiirada, qaar kamid ah Musharaxiinta Senatarada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Qeybaha Kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo munaasabada ka hadlayay ayaa sheegay in waqtiga ugu badan uu ku bixiyay Arrimaha Doorashooyinka si dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin daah furan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle u balan qaaday in muwaadin walba oo xaq leh buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo lagu soo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ka hadlay Mashaariicyada horumarineed ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Baarlamanka Hirshabelle ayaa la filayaa iney maalmaha soo socda gudaha galaan doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Mamulkaas kuwaasoo intooda badan haatan ay joogaan Jowhar inkastoo weli Madaxweyne cali$ Guudlaawe uusan ku dhawaaqin liiska musharaxiinta aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -