Nin Toorey ku hubeysan oo dad Muslimiin ah ku dilay xarun lagu cibaadeysto (Sawirro)

Sida ay sheegeen booliska, Labo qof ayaa toorrey lagu dilay xilli ay ku sugnaayeen xarun ay Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku taalla caasimadda dalka Bortaqiiska ee Lisbon.

Weerarka ayaa ka dhacay Xarunta Ismailia. Ninka looga shakisan yahay weerarkan oo heystay toorrey weyn, ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Afghanistan.

Ismailia waa qeyb ka mid ah Muslimiinta Shiicada ah. Dadka taabacsan qaarkood ayaa Amiir Karim Aga Khan u heysta hoggaamiyahooda diimeed inuu yahay, waxayna xarun weyn ku leeyihiin magaalada Lisbon.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ninkan ay booliiska toogteen oo dhaawaceen. Lam oga sababta ka dambeysa weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -