Axmed Madoobe oo Shaaciyay Go’aan adag oo ay Al Shabaab gaareen Baaqna diray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku laayeen dad badan oo shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Al Shabaab go’aan ku gaareen in ay dilaan qof kasta ay ku jiraan haweenka iyo carruurta, waxa uuna xusay in wadada kaliya ee Al Shabaab looga hortagi karo in ay tahay in dagaalkooda loo midoobo.

”Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga mid ah, oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn ,wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in habka kaliya ee looga adkaan karo  Al Shabaab ay tahay in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan in aysan ka niyad jabin dadaaladii ay sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -