Dowlada Turkiga oo jawaab caro leh ka bixisay talaabo uu qaaday Faransiiska

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay ugu cambaareyso go’aanka uu Senateka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso.

Madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska Pierre Laurent, aya twitter ku soo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka.

Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria.

Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve Magro, ayna ku celiyeen in Ankara ay xulafadeeda NATO ka fileyso inay ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Waxay sidoo kale weydiisteen Farnasiiska inaysan taageerin dadaallo la tuhunsan yahay in mintidiinta Kurdish-ka ku doonayaan “inay ku helaan aqoonsi caalami ah.

Turkey ayaa labada koox u aragta inay ka tirsan kooxda PKK, oo in ka badan 40 sano Turkey ka waddo dagaal muqaawamo ah, islamarkaana ku jirta liiska argagixisada ee Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Mareykanka iyo dalal kale, ayaa si kastaba, u arka kooxaha Kurdish-ka ee Syria, inay xulufo muhiim ah u yihiin dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna siiyeen taageero, taasoo ka careysiiyey Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -