Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wasaarad Cusub oo lagu soo daray Wasiiradda Hrshabelle ee ka badnaa 80-ka xubnood

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku magacaabay Wasiir cusub oo kamid noqonaya golaha wasiirada Hirshabelle iyo kuxigeenkiiisa

Guudlaawe ayaa u magacaabay Mudane Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Cirro) in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga, isagoo sidoo kale Mudane Xuseen Maxamed Tuuryare u Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda.

Wasaaradda cusub uu Madaxweynaha Hirshabelle kusoo diray golaha wasiiradda Hirshabelle ayaa ah mid cuub aan micno badan sameeneyn, waxaana dadka siyaasadda Hirshabelle falanqeeya sheegeen in wasaaradan kaliya loogu soo daray qabiil qancin.

Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabelle ayaa ah kuwa ugu tirada badan ee maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana maamulkan oon laheyn awwood dhaqaale iyo mid ciidan wasiiraddiisa ka badan yihiin 80-xubnood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay xubnaha Guddi uu horey u Magacaabay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Shariif Xasan & danjire Keating oo gaaray Kismaayo & qaban-qaabo halkaas ka socota

Caydiid Ali

DEG DEG: Somalia oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---